Shaqaalaha D/hoose ee Gaalkacyo oo la barayo nidaamka PFMIS

Degmada Galkacayo ayaa laga daah-furay Tabababarka Systemka PFMIS (Puntland Financial Management InformationSystem)
Tababarkan ayaa noqonaaya Qaybtiisii labaad oo loo qabanaayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xafladda daah-furka ayaa lagu qabtay Xarunta Dawladda Hoose waxaana ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Degmada,Xog-hayaha Degmada iyo madax ka socota Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland.
Gudoomiye kuxigeenka Degmada Shaafici C/laahi Xaashi oo ka hadlay Daah-furka PFMIS ayaa u mahad celiyay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda iyo Banggiga adduunku oo fulinaaya Barnaamijkan.

Shaqaalaha Dowladda hoose ayaa lagu Tababari doonaa Barnaamijka FMIS-Wajigiisa labaad, waxaana lagu baran doonaa Sadexda Cashuurood oo kala ah

1-Cashuurta Daaraha,
2-Cashuurta Shatiyadda
3-Cashuurta Tagaasida.

Khadar Barre Maxamed iyo Cismaan Awmuuse ka mid ah Shaqaalaha FMIS ee Wasaaradda Maaliyadda ee bixinaaya tababarka ayaa shaqaalaha urajeeyey in ay ka faa’idaystaan tababarkan.

Waxaa xusid mudan in Barnaamijkan FMIS laga hirgaliyay degmooyinkale lagana gaaray guulo wax ku ool ah mas’uuliyiinta degmooyinkii laga hirgaliyayna ay sheegeen in ay baahi wayn u qabeen.

Idilnews