Diyaarad ku gubatay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee G. Gedo

Diyaarada oo siday Agab kala duwan, kana baxday magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ku gubutay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Diyaaradda oo u rarneyd Hay’adda WFP ayaa waxaa ay siday matooro ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana ka kacay dab xoogan taas oo sababtay inay diyaaradu gubato.

Ma jiro khasaare nolaleed oo ka dhashay dabkan, oo gabi ahaan gubay diyaaradda, balse waxa uu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii garoonka oo gabi ahaanba istaagay.

Idilnews