Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray xarunta la-dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga kajaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo Hay’adda FOA, taasi oo sahashay in sidii loogu talagalay loo hirgeliyo xaruntan, oo ah tan ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka Keeska Africa.

Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in xarunta Ayaxa ee Soomaaliya loogu magac daro Wasiirkii hore ee Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland AHUN Ismaciil Diiriye Gama’diid, oo isagu ah shakhsiga billaabay xiriirka lagu keenay xaruntan, wakhti geliyay isla markaana dhaggax dhigay dhismaha xarunta.

Intii ay munaasabadda socotay wuxuu Madaxweynuhu goobjoog ka noqday, heshiiska Aqoonsiga xaruntan in ay shaqo bilowday oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Beeraha ee DFS Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Madaxda Hay’adda La socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Bariga Afrika (DLCO).

Munaasabadda furitaanka xarunta Ayaxa ee Soomaaliya waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Wasiirada Beeraha iyo Deegaanka ee DFS iyo Dowladaha xubnaha Ka ah DFS, Madaxda Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Idilnews