Maxaa kasoo baxay kulankii maanta ee Golaha Hormarinta Gobalka Bari ? (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha guddiga Golaha Hormarinta Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka bilaha ah ee Golaha hormarinta Gobolka Bari.

Shirka ayaa waxa looga hadlay Bishan xaalladda guud ee amniga Gobolka Bari, xaalladda guud ee Cafimaadka Iyo COVID-19, u Diyaar garowgga doorashada aqalka hoose ee heer Fadaraal, is xog-wareysi mashaariicda socota Iyo deeqaha, Buuxinta foomka Isuuduwayaasha, xaalladda jilaalka Iyo roobabka.

waxa ka soo qeyb galay shirka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Iyo dhammaan isuduwayaasha wasaaradaha ka howl-gala Gobolka.

Guddoomiye Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay shirka waxa uuna war-bixino ka dhageeystay dhammaan isuduwayaasha Xaalladda guud ee Gobolka waxa uuna ku adkeeyey in la xoojiyo hormarka Gobolka isagoona ku bogaadiyey dhammaan ka soo qeyb galayaasha shirka in si dhow loolla socda xaalladda guud ee hormarka Gobolka.

Idilnews