Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 5 Guddi oo kala ah:-

1: Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha
2: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka
3: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo
Isgaarsiinta
4: Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda
5: Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo
Kaabayaasha Dhaqaalaha

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

Idilnews