Sawirro: Booliska gobalka Mudug oo gacanta ku dhigay 50 kartoon oo khamri ah

Ciidammada Booliska gobalka Mudug ayaa howlgallo ay xalay sameeyeen kusoo qabtay khamri fara-badan oo gaaraysa 50 kartoon, taas oo lagu hayay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Taliska Qeybta Booliska gobalka Mudug oo war kasoo saaray khamridan la qabtay ayaa sheegay inay tahay khamridii ugu badneyd ee soo gashay gacanta laamaha Amniga Puntland, waxaana ay sheegeen inay sii soconayaan howlgalada ka dhanka ah ka ganacsiga maandooriyaha.

Taliska Booliska gobalka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga, kuna soo wargeliyaan laamaha Amnigu falalka Ammaan-darro.

Ciidammada Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka waday guud ahaan deegaanka howlgallo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, iyagoo gacanta ku dhigay maandooriye fara-badan.

Idilnews