Degmooyin katirsan Puntland oo lagu wareejiyay $3,308,392.92 Milyan

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir guddoomiyey Shirka isku xirka baahinta maaliyada kaas oo xafiiska hormuudka maamul baahinta Puntland iyo wasaarada maaliyada Dowladda Puntland ku wareejiyeen degmooyinka uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka lacag dhan $3,308,392.92 taas oo loogu talagalay laba mashruuc oo kala ah Sanduuqa maxaliga ah ee (LDF) oo loo qoondeeyey lacag dhan $ 2,440,892.92 halka horumarinta adeega bulshada ( SDM) loo qoondeeyey lacag dhan $867,500.00.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowadda Puntland ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta xafiiska hormuudka maamul baahinta shaqada wanaagsan ee ay qabteen, iyada oo uu madaxweyne ku-xigeenku kula dar-daarmay inay sii laba jibaaraan.

Kulanka ayaa waxa kasoo qayb-galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta ku ah mashruucani iyo Guddoomiyeyaasha 11-ka degmo ee uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland.

Idilnews