Kenya oo iibinaysa 2 kamid ah diyaaradihii Ciidanka cirka Soomaaliya

Waaxda Garoomada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xaraashi doonto 73 diyaaradood oo duug ah oo in muddo ah meel iska yaallay, kuwaas oo ay ku jiraan labo ka mid ah diyaaradihii Ciidamada Cirka Soomaaliya ah.

Waaxda KAA ayaa ugu baaqday dadka daneynaya inay iibsadaan diyaaradahan inay bishan dhexdeeda tagaan goobaha lagu soo bandhigayo.

Qaar ka mid ah hay’adaha diyaaradooda aan laga soo uruurin ee ku sugan garoomada KAA waxaa ka mid ah Somali Air Force, Jubba Airways, Jetlink, Skyward, Eagle Aviation, Prestige Aviation, Fly540, Pan Africa Airways, iyo Planes for Africa.

Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya, Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Bayloot) oo BBC-du la xidhiidhay ayaa sheegay inaysan jirin cid ka soo wargelisay Soomaaliya.

“In ay diyaarado Soomaaliya leedahay ay xaraashayaan waan arkay, laakiin cid nala so xidhiidhay oo Kenya ahi ma ay jirin” ayaa uu yidhi taliyuhu.

Waxaa kale Janaraal Dable Baylood uu shegay in keliya hal diyaarad oo Soomaaliya lahayd ee halkaas ku sugan tahay, iyada oo tallaabada ay qaadeyso Kenya aysan weli ka hadlin Dowladda Soomaaliya.

Idilnews