Kulan looga hadlayo La-dagalanka Argagixisada oo ka dhacay Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu kulan la qaatay saraakiil ka tirsan mid kamid ah hogaanka Ciidamada Dowlada Puntland ka Tageerta Ladagalanka argagixisada.
Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo tababarada la siiyo Ciidanka Boolisla si ay ula dagalamaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Hennie Niemann oo kamid ah Sarakiisha Dowlada Puntland ee ka tageerta Ladagalanka argagixisada ayaa intaas kaib waxaa uu aqoon is weydaarsi siiyay sarakiisha Boolisa Gobalka Bari iyo Taliyaasha Rugaha iyadoo inta badan looga hadlay sida looga hortago dhibaato walba oo ay sameeyaan kooxaha argagixisada iyo siyaabaha looga hortagi karo.

Hennie oo la hadlayay Ciidamadaan ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay kula dagaalamayaan alshabaab, kuna taageerayaan howlgalka Puntland ee la dagaalanka kooxaha Nabaddiidka ah.

Idilnews