Mareykanka oo ku amray dublamaasiyiintiisa inay ka baxaan Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa ku Amartay dublamaasiyiinteeda ku sugan dalka Itoobiya ee aan qaban arrimaha deg-dega ah inay ka baxaan, iyaga iyo xaasaskooda magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa inay u safraan dalka Itoobiya, isagoo kuwa ku sugana u soo jeediyay inay ka baxaan.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa imaanaya xilli ay sii cakirmayso xaalada dalka Itoobiya, iyadoo magaalada Addis Ababa ay qarka u saaran yihiin xoogaga xoreynta Oromada ee OLA, oo isbaheysi la ah Ciidammada TPLF.

Idilnews