Mareykanka oo xayiraad saaray Shirkad ay leedahay Israel

Shirkad Israa’iil laga leeyahay oo samaysay barnaamijka basaasnimada ee muranka dhaliyay ee Pegasus ayaa lagu daray liiska madow ee shirkadaha uu ganacsiga ka xannibay Maraykanka.

Barnaamijka Pegasus ayaa la sheegay inay adeegsadeen dowladdo si ay u beegsadaan telefoonnada dadka u ololeeya xuquuqda iyo weriyayaal.

Maraykanka ayaa shirkadda NSO Group ku daray kuwa aan ganacsiga lala sameyn karin.

Shirkadda ayaa sheegtay inay la “yaabtay” go’aanka, iyadoo intaa raacisay in tiknoolajiyadeeda ay gacan ka geysatay amniga Maraykanka oo ay “ka hortagtay argagixisada iyo dembiyada.”

NSO Group ayaa ku doodday in barnaamijkeeda ay ka iibiso milateriga iyo laamaha ammaanka ee dowladaha uu wanaagsan yahay rikoorkooda xuquuqda aadanaha.

Hase yeeshee horraantii sanadkan waxaa lagu eedeeyay inay tiknoolajiyadeeda ka iibisay dowladdo xukun adag oo ku beegsaday dad aan waxba galabsan.

Idilnews