Khamri fara-badan oo lagu burburiyay fagaare ku yaalla Gaalkacyo (VIDEO)

Taliska Qeybta Booliska gobalka Mudug ayaa fagaare ku yaalla magaalada Gaalkacyo ku burburiyay 20 kartoon oo khamri ah, taas oo Ciidammada Boolisku horey ugu qabteen guri ku yaal Gaalkacyo.

Fagaaraha khamridan lagu burburinayay ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad, Taliyaha Howlgalinta Taliska qaybta Booliska iyo Taliyaha Saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, sidoo kale Gudoomiyuhu digniin udiray cid kasta oo ku howlan maandooriyaha isagoona faray dhamaan laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo in ay amar buuxa uqabaan cidkasta oo lagu helo in sharciga la waafajiyo.

Idilnews