Madaxweyne Deni oo maanta waqti la qaatay Ciidanka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la qadeeyay oo wakhti la qaatay Ciidamada Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Taliska Ciidamada Madaxtooyada, Kadibna wuxuu ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo dadka u hayaan, isagoo kulan la qaatay Ciidamo ku dhaawacmay difaaca dalka kuwaasi oo uu amray in dhakhso wax looga qabto baahiyahooda Caafimaad.

Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo ah kuwa ugu horeeyay ee lagu billaabay qorshaha dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidamada Puntland, waxaa ka muuqda isbedel weyn oo dhinaca horumarka ah, Kaasi oo ku yimi balan qaadkii Madaxweynaha ee dib-u-habeynta Ciidamada oo hirgalay.

Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn kormeeray Ceelka iyo Warshadda Biyaha macaanisa oo laga hirgeliyay rugta ciidamada Madaxtooyada ee Garoowe.

Idilnews