Puntland iyo Bangiga Adduunka oo ka wada-hadlay Dib-u-habeynta dhaqaalaha (VIDEO)

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunku taageero.

Shir ka dhacay xarunta Wasaaradda oo ay yeesheen labadda dhinac ayaa waxa ka qayb galay Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka, Xisaabiyaha guud ee dowladda Agaasimaha dakhliga, iyo madax ka socotay mashruuca RCRF ee Bangiga adduunka.

Madaxda ka socotay mashruuca RCRF ee u taageero Bangiga adduunka ayaa ujeedada kormeerkoodu ahaa sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda uu marayo mashruucu.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa madaxda mashruuca RCRF arrimaha ay kala hadleen waxa kamid ahaa –

01. Mushaharka shaqaalaha dowladda.
02. Macallimiinta.
03. Iyo shaqaalaha marwo Caafimaad.

Sidoo kale waxay madaxda Wasaaraddu kala hadleen madaxda kormeerka ku timid Wasaaradda Maaliyadda Puntland arrimo ay kamid yihiin –

01. Sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Maaliyadda.
02. Sidii kor loogu qaadi lahaa loona dardar gelin lahaa mashruuca RCRF oo taageera dowladda Puntland.

Ugu dambeyn madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo madaxda mashruuca RCRF ayaa kawada hadlay qorshaha 2022-ka ee sannadka soo socda.

Idilnews