Garoowe: Askar ku dhaawacmatay Is-rasaaseyn dhexmartay ciidammo ka wada tirsan Puntland

Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn caawa ku dhexmartay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo ciidammo katirsan Booliska Puntland, gaar ahaan ciidanka ilaalada nabad-gelyada waddooyinka ee (Taraafikada).

Is-rasaaseyntan ayaa timid kaddib markii labada ciidan ay isku maandhaafeen gaari laga xareeyay askar katirsan ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland, waxaana dhawaqa rasaasta si weyn looga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Garoowe.

Ma jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo ku saabsan Is-rasaaseynta dhexmartay ciidammada Puntland, iyadoo si weyn ay u hadal hayaan dhacdadan shacabka magaalada Garoowe.

Idilnews