Maxay ka wada-hadleen Sheekh Shariif iyo Cabdi Xaashi ?

.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharuif Sheekh Axmed, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaas oo ay ka wada-hadleen xaalada guud ee dalka.

Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay dardar-gelinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee matalaya goballada waqooyi, iyo sidii loo ilaali lahaa hufnaanteeda.

Idilnews