Soomaaliya iyo Masar oo ka ka wada-hadlay iskaashiga labada dal

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif.

Safiirka ayaa sheegay in agaasimaha uu kalla hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarada la siiyo Soomaaliya ee ay bixiso Xaruntaan, kuwaas oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha Dowladda iyadoo la xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo labadda shacab.

Safiirka Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay doorka ay Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira ay ka ciyaareyso dhismaha awoodaha dalalka soo koraya ee dhinacyadda nabadda iyo amniga, gaar ahaan ka hortagga xagjirnimada horseedaya argagixisanimadda, la dagaallanka socdaalka sharci darrada ah iyo tahriibinta dadka, kaalinta haweenka ee Nabadda iyo Amniga, Isbeddelka Cimiladda iyo xiriirka ay la leeyihiin Amniga iyo Horumarka.

Safiirka ayaa ka Mahad celiyay kaalinta wax ku oolka ah ee Masar ee Nabadda Adduunka iyo dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee iskaashiga Caalamiga ah isla markaana Wuxuu bogaadiyay shaqada Xarunta Qaahira ee Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Horumar waara.

Idilnews