Wasiir Jaamac “Doorashadii ka dhacday Qardho waxay sababtay fiditaanka COVID-19” (VIDEO)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr- Jamac Farax Xasan ayaa maanta ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee caabuqa Covid19, wasiirka ayaa xusay in iyadoo la galay waqtiga qaboobaha ah ay jirto in koror uu ku yimid xanuunka Covid19 si gaar ah degmooyinka Qardho iyo Buuhoodle.

Wasiirka ayaa xusay in labadii tododbaad ee la soo dhaafay dad badan laga helay xanuunka sidoo kalena ilaa dhawr qof ugu dhinteen xanuunka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay magaalo Qardho oo dhawaan ay ka dhacday doorashadii horu dhaca ahayd ee golaha deegaanka ay sababtay safafkii dhadheeraa ee dadweynuhu galeen in xanuunka uu ku fiday sababayna in dad badan laga helay.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraduu degmada Buuhoodle gaarsiisay Oxygenta sidoo kalena dadweynaha waxa uu kula taliyay inay talaalka qaataan,talaalka waa waxa kaliya ee la hubo in lagu yarayn karo fiditaanka xanuunka iyo saamayntiisa.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn maamulka heer gobol Cayn kula dardaarmay inay kordhiyaan bixinta talaalka sidoo kalena wadaan wacyigalinta bulshada.

Idilnews