Deni oo magacaabay Taliyaha saldhiga Dekedda Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Saldhiga Dekedda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Idilnews