VIDEO: Puntland oo digniin u dirtay dhalinyarada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliiska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa digniin u diray dhalinyarada dhaca ka geysata magaalada Boosaaso, isagoo sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay waalidiinta inay l socdaan carruurtooda, waxaana uu intaas ku daray in qofkii ay ku qabtaan kiis la xariira dhaca shacabka, ayna xukun ku rido maxkamad ay u dhaadhicin doonaan xabsiyada magaalooyinka kale ee Puntland, oo aan lagu xiri doonin magaalada Boosaaso.

Idilnews