Madaxweynaha Jubbaland oo Nairobi kula kulmay Safiirka Denmark

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya Danjire Ole Thonke.

Kulanka ayaa Lagaga hadlay abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha iyadoo gurmad baaxad leh ay Dowlada Jubaland wado kaas oo lagu tageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.

Waxaa kale oo masuuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arimaha Doorashooyinka.

Idilnews