Roob-doon weyn oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo (VIDEO)

Boqolaal qof ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan roob doon iyo Alle bari. Waxaana Roobdoonkan uu kusoo beegmayaa xilli abaar ba’an oo saameysay dad iyo duunyaba ay ka jirto deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Isu soo baxan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda, Awqafta iyo Arimaha diinta Jubbaland ayaa dadkii isu soo baxay waxa ay sameeyeen Alle barri iyagoona halkaasi ku tukaday Salaad ay Alle ku weydiisanayeen in abaarta ka dulqaado bulshada Soomaaliyeed.

Idilnews