XOG: Waa kuma Ninka Wasiir Gallan u wato Guddoomiyaha gobalka Bari ?

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa dabada ka riixaya in Maxamed Cali Shire,loo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku gacan seyray labo jeer in uu magacaabo Maxamed Shire, oo ahaa maamulihii dhanka dhaqaalaha ee Cabdisamad Gallan, inuu uu ku jiray buuraleyda gobalka Bari, wadayna kacdoonka ka dhanka ah Xukuumaddii Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale,waxuu Maxamed soo ahaa kooxdii Asmara ee Sh.Shariif,isagoo noqday Xildhibaanadii Jabuti ee garabkaas. Wareegto uu Madaxweyne Deni ugu magacaabo Shire Guddoomiyaha gobalka Bari ayaa loo arkaa mid gacanta gobalka ka saari doonta siyaasadda Puntland.

Jibril Qoobey.

Idilnews