Ciidamada Abiy oo dhexdooda ka dagaalamay iyo Diyaaradihiisa oo garaacay isla Ciidankiisa

Diyaaradaha dagaalka Abiy,ayaa isku khalday Maanta Ciidamada Tigreega iyo kuwa kale,waxayna garaaceen kuwa Dowlada Abiy.

Khasaare xoog leh,ayaa laga soo sheegayaa halkaas.

Dhanka kale Saldhiga Ciidamada ee Naasareed,waxaa ka dhacay iska hor imaad udhaxeeya Ciidamada Abiy dhexdooda.

Dagaal socday ku dhawaad 2-saac,ayaa dhexmaray Laba Ciidan oo midna Saldhiga horay udaganaa mid kalana ahaa ilaalada gaarka ah ee Abiy oo gurmad ahaan ugu yimid Saraakiil ku shiraysay Saldhigaas oo ay is af dhaafeen Sarkaal hogaaminayay Qayb ka mid ah Ciidanka daganaa Saldhiga.

Khasasre iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,ayaa ka dhashay Dagaalkaas.

Waxaa la sheegay in Saraakiil sar-sare ay usoo aadeen Saldhiga Shir ay uga arinsanayaab dagaalka ay kula jiraan Tigreega.