Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka dhacaysa Jowhar

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle lagu qabto doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle.

Saddexda kursi ee doorashadooda la qabanayo ayaa Wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan inay tahay kuraasta ugu adag ee Hir-Shabeelle gaar ahaan kuwa degaan doorashashadoodu tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in guddiga doorashada Maamulka Hir-Shabeelle inay soo saaraan jadwalka doorashada Saddexda kursi ee Golaha Shacabka.

Idilnews