Akhriso: Madaxweyne Qoorqoor oo soo saaray liiska tartamayaasha Aqalka Sare

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa caawa soo saaray liiska musharixiinta ku tartamaya labo kursi oo ka haray doorashada xubnaha Aqalka Sare ee matalaya Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Kuraastan ayaa waxaa ku tartami doona afar musharrax, kuwaas oo kala ah:

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan Sareed
Mahad Aadan Guuleed

Idilnews