Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirada 15 dal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta qaabilay Safiirada 15 dal ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho, si ay u qiimeeyaan howlgalka AMISOM, dhageysiga cabashada DFS ee qorshaha Amniga ee xilliga kala guurka iyo waajibaadka AMISOM iyo mustaqbalkooda kaddib 2021.

Wafdigan ka socday Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminayay Safiirka Masar Mohamed Omar Gad, waxaana kulankii Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada la yeesheen ka wada hadleen howlaha howlgalka AMISOM, xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika.

Idilnews