Shir looga hadlayo mustaqbalka AMISOM oo ka furmay Muqdisho

Waxaa Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho uu kulan uga socdaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb, Francisco Madeira & Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) oo booqasho shaqo shalay Gelinkii dambe ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidii Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Xubnaha Wafdiga ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad , waxaana warbixin laga siiyay xaaladda siyaasadda iyo amniga Soomaaliya iyo taageerada AMISOM ee ku aaddan doorashooyinka socda.

Idilnews