Taliyaha cusub ee Booliska Puntland oo xilkii la wareegay (VIDEO)

Taliyaha cusub ee ciidammada Booliska Puntland Gen. Maxamed Cali Xaashi, ayaa xilkii kala wareegay Taliyihii hore ee Booliska Gen. Cabdi Xasan Xuseen, kaas oo uu dhowaan xilka ka qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro kamid ah Xukuumadda Puntland, Maamulka gobalka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo marti-sharaf kale.

Idilnews