Video:-Mid ka mid ah Alshabaabkii lagu qabtay Suuj iyo Garmaal Oo markale dib loogu qabtay Garowe

Waa mid ka mid ah Alshabaabkii lagu qabtay Suuj iyo Garmaal xiligii Dowladii Gaas ee ay Doonyaha kusoo galeen oo markale dib loogu qabtay Garowe,isagoo hawlgal raba in uu fuliyo.

Waagaas isaga iyo tiro-kale oo Caruur ahaan loogu xareeyay Goob dhaqancelin ah oo ku taalay Garowe,ayaa habeen saq dhexe la sheegay in ay ka fakadeen.

Balse dabagal aan ku samaynay dhacdadaas,waxaan ku ogaanay in ay jirtay heshiis dhexmaray Maamulayaashii Xaruntaas iyo Alshabaab.

Maanta Dhalinyaradii Alshabaabka ahaa ee xiligaas sida qorshaysan dib looga iibsaday isla Alshabaabkii waxay hawlgalo ka fuliyaan Puntland.

Sida xogaha amni tilmaamayaan Garowe way buuxdaa,waxaana ku jira gudaheeda ilaa 3-,kooxood oo kuwa dilalka iyo qaraxyada qorshaysan fuliya ah.

Garowe waxay deg-deg ugu baahan tahay in laga fuliyo hawlgalkii Gaalkacyo oo kale.

Inta badan Shabaabka ku jira gudaha Garowe waa isla reer Garowe.

Halkan ka daawo muuqaalka