Akhriso: Madaxweyne Biixi oo magacaabis iyo xil ka qaadis sameeyay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo soo saaray wareegto ayaa u magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, Wakiilka cusub ee Somaliland u fadhin doona dalka Kenya.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa Guddoomiye kuxigeenka Gobalka Sool u magacaabay Maxamed Aadan Cumar Maxamed, kaddib markii uu xilkii ka qaaday kuxigeenkoo hore.

Halkaan hoose ka Akhriso wareegtooyinka Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland ee Dalka Kiiniya.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland

Idilnews