Akhriso: Puntland oo ka digtay boobka kheyraadka dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa looga hadlay shir looga hadlayay shidaalka dabiicaga ah ee Africa, kaas oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Puntland ayaa sheegtay in aysan qeyb ka aheyn sharciga shidaalka Soomaaliya, maadama uu hareer-marsan yahay Dastuurka KMG ah, iyo hannaanka qeybsiga kheyraadka oo aan wali lagu heshiin.

Sidoo kale, Puntland ayaa uga digtay DFS galitaanka heshiisyo lagu xaraashayo kheyraadka dalka, kuwaas oo dhalin kara xasilooni darro ka dhacda dalka.

Ugu dambayn, Dowladda Puntland ayaa uga digtay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, inay heshiis sharci-darro ah aysan la galin Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhamaaday.

Idilnews