Akhriso: Xilliga Doorashada 2 kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga Hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee Aqalka sare ka harsan ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug kadib markii uu xalay Madaxweynaha Galmudug uu soo saaray liiska Musharrixiinta Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in maanta oo Arbaco ah iyo khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharrixiinta labada kursi, halka Sabtida soo socotana la qabanayo doorashada.

Kuraastan ayaa waxaa ku tartami doona afar musharrax, kuwaas oo kala ah:

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan Sareed
Mahad Aadan Guuleed

Idilnews