Farmaajo oo shir uga qeybgalaya dalka Uganda

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa todobaadka soo socda u socdaali doona magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda.

Farmaajo ayaa uga qeybgalaya magaalada Kampala shir ay isagu imaanayaan madaxda dalalka ku jira Urur-gobaleedka IGAD, kaas oo looga hadlayo Xaalada dagaal ee dalka Itoobiya, iyo xiisada ka taagan dalka Sudan, oo afgambi kale uu ka dhacay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS.

“15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Maxamed Cabdirisaaq.

Idilnews