Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

Garoowe, November 10, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo furay fadhiga ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL oo akhriska labaad ku sameeyay Wax-ka-bedalka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha, Xeer Lr. 5 ee 18 – Dec- 2010.

Intaa kadib, Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa Golaha ka hor codsaday in muddo labo maalmood oo dheeraad ah loogu daro horkeenidda xeerka ee Golaha, si ay Guddiga uga baaraan-degaan una sameeyaan la-tashi dheeri ah, si xeerku u noqdo mid isku dheeli tiran sida uu Golaha ka hor-akhriyey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Sharmaarke Cali Cilmi.

Guddiga oo ka duulaya Qodobka 58, Farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, ayaa ku soo sameeyay akhrintii labaad ee wax-ka-bedalka Xeerka oo lagu wareejiyey November 06, 2021 ayaa kulamo latashi ay la yeeshay qeybo kamid ah Wasaaraddaha Dawladda, Xeer-ilaalinta iyo qeyb ka mid ah Cullimadda Puntland si ay u helaan aragtidooda ku aadan wax-ka-bedelka Xeerka.

Haddaba, Xeerkan oo muhiimad gaar ah u leh Dawladda & shacabka Puntland, waxaa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo la-faguro, daraasad dhammaystirna loogu sameeyo si wax looga qabto dhibaatada maan-dooriyuhu ku hayo amniga iyo xasiloonida deegaannada Puntland, waxaana Golaha dib loogu soo celin doonaa, maalinta sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 13.Nov.2021.

Idilnews