Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqanaya 5 Dowlad Gobaleed (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxmed Xuseen Rooble ayaa booqanaya magaalooyinka ay ka dhacayaan Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo gaaraya ilaa 10 magaalo oo ku yaala Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay ka hadlayay kulan uu la qaatay Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, ayaa yiri “Wixii ka bilowda Jimcaha ama sabtida, waxaan diyaariyay inaan aado goobaha ay doorashadu ka dhaceyso”.

Sidoo kale, Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashooyinka dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka BJFS, isagoo sheegay inay Xukuumaddu diyaar la tahay imkaaniyaadka dooeashada.

Idilnews