Bangiga Adduunka oo shaqadii ka joojiyay shirkad ka howlgalaysay Soomaaliya

Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in muddo 21 bilood ah ay shaqada ka joojiyeen shirkadda Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) oo ah shirkad bixisa adeegyo la-talin oo ku saabsan maamulka, maalgashiga, xalinta ganacsiga, maaliyadda shirkadaha iyo horumarinta ganacsiga.

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa lagu helay in ay wax isdaba marin ku sameysay mid kamid ah mashaariicda horumarinta ee uu bankiga adduunka ku taageero xoojinta shaqaalaha iyo tayada hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay u qabtaan hawlaha asaasiga ah ee dawladda.

Sida laga soo xigtay xaqiiqooyinka kiiskan, shirkadda ADP ayaa lagu eedeeyay in ay wax isdaba ku marin ku sameysay qandaraasyada hoos yimaada mashruuca Somali Capacity injection oo bankiga adduunku maalgaliyo.

Xayiraadda lagusoo rogay shirkadda ADP, ayaa ka dhigaysa mid aan u qalmin in ay qeyb kasii ahaato mashaariicda iyo hawlgallada ay maalgeliyaan hay’adaha Bangiga Adduunka.

Bankiga adduunka ayaa sheegay in 21 bilood kadib uu eegidoono tallaabooyinka ay qaaday shirkaddu iyada oo la eegayo dib-u-habaynta ay sameyso, si looga sii daayo cunaqabataynta si waafaqsan shuruudaha heshiiska uu shirkaddan kula jiro.

Idilnews