Deni oo xilalkii ka qaaday Hoggaanadii Booliska Puntland

Sida ay ogaatay Idilnews, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ku-sime ka qaaday dhamaan hoggaanadii Taliska Booliska Puntland.

Madaxweyne Deni,waxuu si cad ugu sheegay Saraakiil sheeganaysay in Talyihii Booliska ee xilka laga qaaday uu usii magacaabay kusii simayaal hogaamada 13-ka ah ee Booliska ay sharci daro ku joogeen Xaafiisyada laga bilaabo Shalayna aysan ahayn kusii simayaal.

Madaxweynuhu waxuu cadeeyay in isagu yahay Talyaha Guud ee Ciidanka uuna soo magacaabi doono hogaamada 12-ka ah ee dhiman marka laga saaro hogaanka C.I.D. ee Cumar Bile uu umagacaabay.

Jibril Qoobey.