Diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare oo maanta ka bilaaban Dhuusamareeb

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay ka billaabato diiwaangelinta musharixiinta labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Galmudug.

Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta ilaa beri wadi doona diiwaangelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharrixiinta labada kursi, halka Sabtida soo socota la qabanayo doorashada.

labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Galmudug oo ah labadii kursi ee ugu dambeeyay Aqalka Sare ayaa waxaa u sharraxan Afar musharrax oo ku tartami doona, kuwaas oo kala ah.

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kursigan horay ugu fadhiyay oo uu la tartami doono
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan wafdi ka kooban Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka si ay goobkoog uga noqdaan doorashada labada kursi ee Aqalka Sare.

Idilnews