Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Guddi Aqoonyahano ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddi Aqoonyahano Soomaaliyeed ah oo isugu jira Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dalka iyo xubno ka mid ah Ururada Bulshada, kuwaasi oo isu xilqaamay ka shaqeynta ka hortagga khilaafaadka ka dhalan kara doorashooyinka.

Guddigan maanta uu qaabilay Madaxweynuhu oo uu hoggaaminayo aqoonyahan Prof. Cabdiraxmaan Baadiyow, ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Madaxweynaha iyo guud ahaan Puntland doorashadii taariikhiga aheyd ee goleyaasha deegaanka ee ka dhacday Qardho, Ufeyn iyo Eyl. Taasi oo tusaale wanaagsan u noqotay guud ahaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashooyinka, waxaana uu qeyb ka ahaa kulamo guddigan is xilqaamay ay hore ula soo yeesheen Madaxda Soomaaliyeed.

Idilnews