Maxaa kasoo baxay kulankii caawa ee Rooble iyo Madaxda D/Gobaleedyada ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa caawa shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka, kaas oo ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta doorashada Golaha Shacabka, iyadoo la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Idilnews