Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ? (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES) iyo Adeega danabeysan ee (E-Cabinet) .

Wasaaradda Qorsheynta ayaa Golaha la wadaagtay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES), oo ah hannaan casri ah oo online-ka lagala soconayo maamulka iyo xogaha mashaariicda dalka ka socda. Golaha ayaa soo dhoweeyay habkan casriga ah oo daah-furnaanta leh.

Ugu danbeyn Madaxtooyada ayaa Golaha usoo bandhigtay Adeega danabeysan ee (E-Cabinet), waa adeeg sahlaya in Shirka Golaha Wasiirada uu u qabsoomi hab casri ah iyadoo aan la adeegsanayn wax warqad ah. Wuxuu awood u siinayaa adeegaasi in Wasiiradu ay Shirka uga qeybgeli galaan hab-online ah, codkooda ku dhiibtaan, ajandaha iyo wixii falcelin ahna ay ku gudbiyaan.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, diyaarinta habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha ay khuseyso in la dedejiyo howlgelinta adeegan.

Idilnews