Taliyaha cusub ee Qeybta Booliska Nugaal oo xilka la wareegay (VIDEO)

Taliyaha cusub ee Qeybta Ciidanka Booliiska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Manta si rasmiya ula wareegay xilkaas.

Munaasabad ka dhacday xarunta Taliska Booliiska Garoowe islamarkaana ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayuu xilka kula wareegay Taliye Xuseen Cali .

Taliyihii hore ee Qeybta Nugaal G/Sare Maxamed Adan Jaamac ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub ee Nugaal waxana uu u rajeeyay in uu ku guulaysto sida ugu wanagsan mas’uuliyadda loo idgmaday.

Taliyaha cusub ee Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa uga mahad-celiyay Taliyihii hore shaqadii uu ka qabtay Mudadii uu joogay Qeybta wuxuna ballan-qaaday in uu halkaas ka sii wadi doono sugida Amniga Caasimada Dowlada Puntland.

Idilnews