Banking Adduunka (World Bank) ayaa joojiyey shaqooyinkii ay la qaban jirtay Shirkadda Africa Development Professional Group

Banking Adduunka (World Bank) ayaa xiriirka u jaray, kana joojiyey shaqooyinkii ay la qaban jirtay Shirkadda la yiraahdo Africa Development Professional Group oo Xafiiskeedu ku yaal Nairobi. Mashruucan ayaa qeyb ka ah xoojinta Hay’adaha Dowliga ah iyo Maareynta Dhaqan Dhaqaalaha ( Public Financial Management)

Shirkaddan ayaa Bankiga Adduunka kala shaqeyn jirtay Mashruuc balaaran waddanka Soomaaliya (Somalia Capacity Injection Program) oo ka koobnaa:

  1. Kor u qaadidda tayada shaqaalaha Dowladda
  2. Dib u soo celinta Dadka Soomaaliyeed ee Khibradaha kala duwan leh
  3. Gudbinta Mushahaarada iyo Gunooyinka
  4. Xoojinta iyo tayeynta Maamulka Qandaraasyada
  5. Xoojinta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Canshuuraha iyo Dakhliga

Heshiiska waxaa la galay:

  1. Wasaaradda Maaliyadda Federaalka
  2. Wasaaradda Qorsheynta Federaalka
  3. Madaxtooyada Dowladda Federaalka

Musuq-Maasuqa soo baxay:

  1. Hay’adda ADP waxay gacanta u gashay xafiisyo gaar ah
  2. Waxay shaqo bixintii iyo Qandaraasyada u ogolaatay in lagu bixiyo si musuq-maasuq ah
  3. Xafiisyada Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa u adeegsaday shaqaaleynta qarabaada iyo asxaabtooda
  4. Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta Federaalka ayaa lagu eedeeyey isticmaalka khaldan

Go’aanka Bankiga Aduunka (WB):

  1. In laga joojiyo dhamaan Shaqooyinkii ay waday Shirkadda ADP
  2. In la 21 bilood aysan wax shaqo ah la sameyn doonin Bankiga Aduunka
  3. Ganaax aan la shaacin lagu xukumay

Bankiga Adduunka ayaa dib u eegis ku sameynayaa soo jeedintii ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyey Shirkadda ADP iyo talooyinkii ay soo jeedisay Hay’adii Baaritanka sameysay.

Jibril Qoobey.