Cabdiqaybdiid oo dib loogu doortay Kursigii Aqalka-sare

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada laba xubnood oo ka harsan xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa dib loogu doortay kursigii uu ku fadhiyay Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa isna doorashada maanta ku soo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo noqonaya senator cusub oo Galmudug ku matali doona Aqalka Sare.

Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah ka dib markii ay tanaasuleen musharraxiintii kale ee kuraastan kula tartami lahaa ragga la doortay.