Puntland:-Gaaska Cuntada lagu karsado oo Sicir go’an loo samaynayo

Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada Puntland lagu qabtay shir kusaabsan sidii Qiime dhimis loogu samayn lahaa Gaaska Cuntada lagu karsado kaas oo sare u kac samaynayey mudooyinkii ugu danbeeyey.

Sidoo kale Shirka,ayaa ku saabsanaa canshuur dhimis loo sameeyo Gaasaska Cuntada.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanku,waxaa kaasoo qaybgalay Wasiirka Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, wasiiru-dawlaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Marwo. Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Marwo. Faa’isa Cali Ismaaciil, agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada, khuburo iyo Agaasimeyaal ka kala socday Wasaaraddaha Deegaanka, Ganacsiga iyo Maaliyada, sidoo kalena waxaa shirka joogay Wakiilo iyo madax ka socotay shirkadaha Gaasaska cunto karinta Puntland iyo Gudiga Shirkadahaas.

Shirka ayaa laga jeediyey khudbado iyo doodo kusaabsan sababta uu ku yimid sare u kaca laga dareemayey Gaaska taas oo bulshada qaybo kamid ah ay awoodi kari wayday inay si joogto ah u iibsato iyadoo arintaasna ay dhalin karto in uu sii laba jibaarmo ganacsiga iyo baahida dhuxusha loo qabo waxaana abuurmi kara Xaaluf Deegaanka ku dhaca.

Shirka,waxaa kale oo looga dooday canshuuraha kudhaca Gaaska waxaana ugu danbayn shirka lagu saaray Gudi farsamo oo ka kooban Wasaaradaha Dawlada u qaabilsan arintan iyo Ganacsatada keenta Gaaska Puntland,iyadoo Gudigaasi ay kasoo talo bixinayaan jaangoynta Wiimaha Gaaska Cuntada lagu karsado, canshuur dhimista iyo arimaha la xiriira wax ka qabashada cabashada Bulshada kuwaas oo Wasiirada kusoo celin doona si looga gaaro go’aamo rasmi ah.