Siyaasada Amniga Caasimada Puntland oo la dhaqangelinayo

Garowe, 14,November,2021 waxaa wasaaradda amniga ka qabsoomay shir looga arinsanaayey dhameys-tirka dhaqangelinta siyaasada tayeynta amniga caasimada puntland.

Shirkaan ayaa waxaa shir gudoominaayey wasiirka amniga mudane cabdisamad mohamed gallan waxaana kasoo qaybgalay wasiir kuxigeenka Wasaradda amniga,Taliyaasha ciidaanka Darawiishta,booliska,asluubta,sirdoonka ,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Saraakil,Taliyaha qeybta gobolka Nugaal,Gudoomiyaha gobolka nugaal,duqa degmada garowe iyo khuburo ciidan.

Gabagabada shirka aya wasiirka oo ay waheliyan taliyaasha ciidanka,gudoomiyaha gobolka,duqa dagmada,taliyaha qeybta gobolka nugal aya qabtay shir jaraa’id,halkaas u Wasiir Gallan ka soo jeediyey dhaqan galinta siyasada amniga in ay bilabmeyso 15,November,2021.

Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta &wacyi-galinta wasarada Amniga iyo DDR ee Dowlada Puntland.