Turkey oo ku gacan sayrtay arrin uu soo jeediyey Macron

Turkey ayaa ku gacan sayrtay baaq ka yimid madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ahaa in dhammaan quwadaha shisheeye ay ciidamadooda kala baxaan Libya.

Dalka Libya ayaa waxaa ka socday dagaal sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray kaligii taliye Mucamar Qadafi, oo ku baxay kacdoonkii 2011.

Turkey ayaa Libya u dirtay ciidamo iyo maleeshiyaad Suuriyaan ah oo ku xiran si ay u xoojiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli, halka Russia iyo dalal kale ay taageerayaan kooxda bariga Libya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar.

Macron ayaa ka sheegay shirka caalamiga ah ee Libya ee Jimcihii ka dhacay Paris “In Russia iyo Turkey ay calooshood u shaqeystayaashooda kala baxaan Libya ayada oo aan dib loo dhigin.”

Hase yeeshee la-taliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa AFP u shaqeeya in diiradda oo la saaro in si deg deg ah ay ciidamada uga baxaan Libya “ay tahay khalad.”

“Haddii aad ka dhigto bixitaanka ciidamada shisheeye ee Libya tan ugu muhiimsan, waxaan aaminsannahay in taasi ay tahay khalad,” ayuu yiri Ibrahim Kalin.

“Libya waxay u baahan tahay in laga taageero hannaankeeda siyaasadda, doorashooyinka iyo arrimaha dhaqaale,” ayuu yiri Kalin oo tixraacaya doorashooyinka madaxweyne ee madaxda caalamka ay doonayaan inay dhacaan 24-ka December.

France ayaa ayada xitaa lagu eedeeyaa inay taageero Khalifa Haftar, balse waa ay iska fogeysay.

Turkey ayaa Paris u dirtay wafdi heerkiisu hooseeyo, taasi oo astaan u ah sida aysan ugu faraxsaneyn mowqifka siyaasadda arrimaha dibdda Macron.

Kalin ayaa sheegay in joogitaanka militari ee Turkey ee Libya ay gacan ka gaysan doonto xasilloonida siyaasadeed iyo tan amni ee dalkan hodanka ku ah tamarta.

“Joogitaankeena militari ee halkaas waa inaan caawino tababarka ciidamada Libya,” ayuu yiri.

“Waxaan halkaas u joognaa quwad xasilin ahaan iyo caawinta shacabka Libya. Muhiimaddeenuna, marka ay noqoto amniga, waa inaan reer Libya ka caawinno dhismaha ciidamada qaranka Libya.”

AFP