Shirkii Madaxda IGAD Ee Kambala oo baaqday

Uganda,ayaa dib u dhigtay shir madaxeedka IGAD oo la filayay in maanta, November 15-ka furmo Kampala.

Lindah Nabusayi oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Uganda,ayaa u sheegay Wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah.

Madaxweynaha wakhtigu ku idlaaday ee Somaliya,ayaa ka mid ahaa Madaxda ku casunayd.

Shirkaas,ayaa looga hadli lahaa dagaalka ka socda Itoobiya iyo xasaradaha ka jira Sudan.

Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda,wuxuuse kusoo aadayaa xili Gobolka Geeska Afrika uu booqasho ku imaanaya Blinken.

Uhuru,ayaa shalay tagey Addis Ababa, wuxuuna lasoo kulmay Abiy Axmed,waxuuna fariin uga waday Blinken.