Cunaqabatayntii Hubka Ee Somaliya oo la kordhiyay

Golaha ammaanka ayaa muddo sanad ah ku daray muddada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.

Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday Qaraarka warbixinada la xiriira musuq-maasuqa ee ka jira dalka, gaar ahaan leexsashada hantida guud ee Soomaaliya.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale waxa ay ugu baaqeen dowladda federaalka inay xoojiso dagaalka Al-Shabaab, si awoodooda loo wiiqo.